Khariirad muujineysa godadka dhulka hoostiisa ah ee Xamaas ku leedahay gudaha isbitaalka Shifa
Israa’iil iyo Maraykankuba waxay sheegeen in Xamaas ay saldhig ku leedahay isbitaalka ugu weyn ee marinka Qasa, arrintaas oo Xamaas ay si joogto ah u beenisay.
Israa’iil waxay sheegtay in saldhiggan uu qayb ka yahay nidaamka qallafsan ee ururka ee dhulka hoostiisa mara.
Khariidaddani waxa ay muujinaysaa halka ay ku yaallaan kanaallada dhulka hoostiisa mara ee Xamaas, sida milatariga Israa’iil ay sheegen.
Israa’iil waxay sheegtay in loo isticmaalo saldhigyadan hawlgallada kooxdu ay fuliso.
