Kulan lagaga hadlayey Amniga guud ee dalka oo Hargeysa Ka Qabsoomay

Kulan lagaga hadlayey Amniga guud ee dalka oo uu shirgudoomiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Heer Wasiir ee Hanaanka Xog-wadaaga Dawladda (Government Information Desk Committee) iyo Taliyayaasha Ciidamadda JSL.
Mudadii shirku socday ayaa waxa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ay maleegayaan kooxaha ka soo horjeeda qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, shirka waxa lagaga wada-hadlay sida ugu haboon ee loo adkayn lahaa wadashaqaynta hay’addaha dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaaliland ugu midoobi lahaayeen adkaynta nabadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker