Madaxwayayne Muuse Biixi oo saaka safar ugu baxay Boorama.
Hargaysa:-(OWN)-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar ugu baxay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa ujeedadiisu ay tahay sidii uu uga qayb Geli Lahaa Xaflada Qalin Jabinta Jaamacada Camuud Oo saaka Dhacaysa, Muuse Biixi Cabdi ayaa safarkiisan uu ugu Baxay Magaalada Boorama waxa ku wehelinayay Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, waxaana la filayaa in marka uu soo dhamaysto ka qayb galka xafladda Qalin jabinta ardayda in uu kulamo kala duwan la yeesho Masuuliyiinta Gobolka iyo waxgaradka kala duwan, sidoo kalena uu soo kormeero xarumaha dawladda.
Lama sheegin inta uu joogi doono Magaaladda Boorama oo u noqonaysa maalintii ugu horeysay ee uu safar ku tago intii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.