Hadalladii madaxda Soomaalidu ay ka yiraahdeen Xamaas iyo xaaladda Qasa

Dalal badan oo dunida ah oo ay ku jiraan kuwa Muslimiin ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka muddada bisha ka badan socda ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, ayaa muujiyay in dowladda Soomaaliya ay garabtaagantahay Falastiin, waxaana uu yiri ” Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo isana dhawaantaan ka hadlay Xamaas iyo waxa ay ka aaminsanyihiin ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso taa badelkeedana waxaa uu tilmaamay in ay yihiin urur xorriyad doon ah hadalkaas oo si weyn warbaahinta iyo baraha bulshada u qabsday.

“Xamaas argagixso maaha waa urur xoreyn,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isana sheegay mar uu arrinta Qasa ka hadlayay in hoog u sugnaaday kuwa ku duulay Falastiiniyinta.

Waxaa uu yiri “Falastiin way guulaysanaysaa Islaamkuna waa guulaysanayaa,”. Wuxuu intaa ku daray in ay hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin Falastiinyiinta.

Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa isana sheegay in reer Falastiin la dulmiyay isla markaana ay ceeb ku tahay caalamka islaamka in ay ka aamusanaadaan dhibaatada lagu hayo dadkaas.

“Waxaa uu yiri Waan garab taagannahay Falastiin in ay hesho xorriyadooda”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker