Iceland oo xaalad degdeg ah la galiyay

Iceland ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah kadib markii dhowr dhul gariir ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in foolkaanada uu qarxo.

Maamulka ayaa ku amray kumanaanka qof ee ku nool magaalada GrindavΓ­k ee koonfur-galbeed inay isaga guuraan si taxadar leh.

Xafiiska IMO Iceland ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaddi badan oo magma ama dhagaxa dhalaalay – oo ku faafaya dhulka hoostiisa oo laga yaabo in ay ku soo baxaan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, in kabadan kumanaan jeer oo gariir ayaa laga diiwaan giiyay agagaarka foolkaanaha Fagradalsfjall ee u dhow.

Hay’adda Ilaalinta Madaniga ah ee Iceland ayaa sheegtay in go’aanka daad-gureynta uu yimid ka dib markii IMO ay meesha ka saari kari weyday “Dagxaa dhalaaya oo hadda isku uruuraya uu gaari karo magaalada GrindavΓ­k”.

Bayaan ay soo saartay Jimcihii, ayay hay’addu ku sheegtay in dadku ay ka baxaan magaalada, laakiin sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan ahayn “daad-gureyn degdegga ah” – iyadoo ugu baaqday dadka inay ” is dejiyaan, sababtoo ah waxaan haysanaa waqti fiican oo aan kaga falcelinno”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker