Iceland oo xaalad degdeg ah la galiyay

Iceland ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah kadib markii dhowr dhul gariir ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in foolkaanada uu qarxo.

Maamulka ayaa ku amray kumanaanka qof ee ku nool magaalada Grindavík ee koonfur-galbeed inay isaga guuraan si taxadar leh.

Xafiiska IMO Iceland ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaddi badan oo magma ama dhagaxa dhalaalay – oo ku faafaya dhulka hoostiisa oo laga yaabo in ay ku soo baxaan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, in kabadan kumanaan jeer oo gariir ayaa laga diiwaan giiyay agagaarka foolkaanaha Fagradalsfjall ee u dhow.

Hay’adda Ilaalinta Madaniga ah ee Iceland ayaa sheegtay in go’aanka daad-gureynta uu yimid ka dib markii IMO ay meesha ka saari kari weyday “Dagxaa dhalaaya oo hadda isku uruuraya uu gaari karo magaalada Grindavík”.

Bayaan ay soo saartay Jimcihii, ayay hay’addu ku sheegtay in dadku ay ka baxaan magaalada, laakiin sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan ahayn “daad-gureyn degdegga ah” – iyadoo ugu baaqday dadka inay ” is dejiyaan, sababtoo ah waxaan haysanaa waqti fiican oo aan kaga falcelinno”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker