Qaniiyo ayaa qaniinyo kaa fujisa’ nin iska dhiciyay yaxaas cuni lahaa

Nin beeraley ah oo u dhashay dalka Australia ayaa sheegay inuu leeyahay nasiib uu ku sii noolaado kadib markii uu iska dhiciyay yaxaas weerar ku soo qaaday.

Ninkan oo dhaqda lo’ada oo lagu magacaabo Colin Deveraux, ayaa muddo hal bil ah ku jiray isbitaal kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray xayawaankaas oo dhererkiisu ahaa 3.2m oo u dhigma10 fuut.

Colin ayaa BBC-da u sheegay inuu isha ka qaniinay yaxaaska, isagoo isku deyayay inuu badbaado. Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu isku dayay inuu feeraha ka haraantiyo yaxaaska ka hor intuusan ka qaniinin qeybta dambe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker