Sida ay tuugadu u dhacday wasiirkan iyo ilaaladeedii oo hubaysan

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in wasiir ka tirsan dowladda dalkaasi la dhacay, isla markaana ilaaladeeda laga qatay qoryo ay wateen, xilli ay marayeen waddo ka baxsan magaalada Johannesburg.

Sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah, weerarka ayaa dhacay Isniintii markii baabuur ay la socctay wasiirka gaadiidka, Sindisiwe Chikunga, uu istaagay si lug ka banjartay looga badalo.

Booliska ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay kadib waxa ay ugu yeereen dhacdo aan horay loo arag.

Dowladihii kala dambeeyay ee Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen heerka dambiyada oo aad u sarreeya. Dalka waxaa mudooyinkan dambe aad ugu soo badanayay afduubyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker