Dibadbaxyo lagusoo dhaweeyay Blinken iyo Turkiga oo shuruudo hor dhigay

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo booqasho ku tagay dalka Turkiga si uu ugala hadlo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa dibad baxyo lagu diidan yahay lagusoo dhaweeyay.

Tobanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga halkaas oo ay wadahadal ku yeesheen wasirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu gacan ka geystay dhimashada rayidka Falastiiniyiinta ee Qaza.

Dhinaca Maraykanka ayaa isku dayay inay ku qanciyaan saraakiisha Turkiga inay cadaadis dheeraad ah saaraan Xamaas oo ay sii daayaan maxaabiista. Balse Turkiga mawqifkiisu aadbuu u cad yahay. Waxay sheegeen in maxaabiista lagusii deyn karo oo kaliya is waydaarsi, halkaas oo Xamaas ay sii deyso maxaabiista, Israa’iilna ay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

Turkiga ayaa sidoo kale codsaday xabbad joojin shuruud la’aan ah, wuxuuna sheegay in ay tahay in la helo hannaan caalami ah oo lagu ilaalinayo xabbad joojinta, taasoo Ankara ay dammaanad ka noqon doonto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker