Dhul-gariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dal deris la ah Hindiya

In ka badan 150 qof ayaa ku dhintay dhulgariir ku dhuftay galbeedka Nepal Jimcihii.

Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay goobaha uu ka dhacay si ay gacan uga geystaan ​​dadaallada lagu samatabixinayo degmooyinka qallafsan ee Jajarkot iyo Galbeedka Rukum, oo 500km (310 mayl) dhanka galbeed kaga beegan Kathmandu.

Gariir xooggan ayaa laga dareemay meelo fog fog caasimadda Nepal iyo magaalooyin ku yaal dalka deriska la ah Hindiya oo ay ku jirto maagaalada Delhi.

Afhayeenka ciidamada ayaa sheegay in in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen. Isbitaalka Jajarkot ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker