Xuutiyiinta oo Israel ku Duqeysay Daroonis-ka ka is-Qarxinta

Afhayeenka Maamulka Xuutiyiinta Yemen, Sareeye Guuto Yusuf Sariic ayaa sheegay inay diyaaradaha Kamikaze Suicide Drones iyo Xirmo Gantaalo ah la beegsadeen, oo ay gaareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israel, waa sida uu ku sheegay wareysi uu Arbacadii shalay siiyey Telefishin laga leeyihiin dalka Iran.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan Hawlgalladaasi lagu taageerayo Walaalaha Reer Falastiin, isla markaana ay Israel joojinayaan Duqeymaha Diyaaradaha ee ay ku hayaan magaalladda Qasa ee go’doonsan.

Milliteriga Israel weli kama aysan hadlin sheegashadaasi, balse waxay xaqiijiyeen  in Diyaarad daroon ah lagu soo riday magaallada Eilat ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Dhinaca kale  Ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan waxay saakayto oo Khamiis ah sheegeen inay Lidka Diyaaradaha u adeegsadeen Diyaaradaasi, xilli ay dul maraysay Tuullooyinka Al-Malikiyah iyo Hounin ee Koonfurta dalka Lubnaan.

, Milliteriga Israel waxay qirteen in Gantaal lagu riday Diyaaradaasi, balse waxay shaki geliyeen in Diyaaradaasi la soo riday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker