Ururka Xisbullah oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay leedahay Israa’iil

Ururka Xisbullah, ee fadhigoodu yahay koonfurta Lubnaan, ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay leedahay, waa markii ugu horreysay oo ay sheegtaan howlgal noocani oo kale ah intii uu socday dagaalkan.

Waxay ka dhacday Axadii meel ka saraysa Khiam, oo qiyaastii 5km u jirta soohdinta Israa’iil. Diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa la arkayay iyadoo ku soo dhacaysa dhulka Israa’iil, sida ay sheegtay Xisbullah.

Sida laga soo xigtay ururka, oo ay UK iyo Maraykanku u aqoonsadeen koox argagixiso, waxay 46 dagaalyahan ku dileen dagaalka ay kula jiraan Israa’iil tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas, iyo 43 dhaawac ah.

Ururka Xisbullah ayaa sidoo kale sheegay in 84 weerar aagagga xuduudda oo ay maalin walba isku dhacaan ciidamada Israa’iil

Israa’iil waxay sheegtay in ugu yaraan toddobo ka mid ah askarteeda la dilay ilaa hadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker