Qadar: hawgalka milatari ee dhinaca dhulka ah ee Israa’iil wuxu adkeeyay dadaallada sii deynta la haystayaasha u xiran Xamaas

Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in gulufka milatari ee dhinaca dhulka ah ee Israa’iil ay ku qaaday Qasa uu caqabad ku noqday dadaallada socda ee lagu doonayo in si nabada lagu sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayaan ururka Xamaas.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar Maajid Al-ansaari ayaa sheegay “in xaaladda ka sii daraysa ay arinta sii adkeysay”.

Ra’isul Wasaarraha Israa’iil Bin Yamin Natenyahu ayaa goor sii horeysay sheegay in aanay is diidaynin guuldarrada milatari ee Xamaas iyo soo celinta la haystayaasha.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd in xiriirrada socda ee siideynta la haysatayaasha ay sii socon karaan, iyadoo weerarka dhinaca dhulka ah u socdo ayaa ku jawaabay “haa”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker