Sadex sandood ka dib, Maxaa ka qabsoomay mashaariicdii ku lifaaqnaa Shirkada Macaash-doonka ah ee DPW ? qalinkii A/rahman fidhinle UK
Nuqulkii is fahanka ahaa ee heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen sanadkii 9/5/2016 –Waxaa Heshiiska qaybtiisa 1-aad ku cadaa in mudnaanta 1-aad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada iyo kor-uqaadida Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo Xukuumadii hore ee Siilaanyo ka ilduuftay xukuumada hadana ay sheegtay sanadkii dhamaaday in mashaariicdu ahaayeen balan qaad keliya ee aan laguba heshiin. Mashaariicda horumarineed ee la isla fahmay intaan DPW heshiiska oo dhameystiran loo saxeexin waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Horumarinta Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaar madani ah oo Berbera laga dhiso. Waxaa laysla qaatay in balaadhinta Dekeda Berbera lagu dhisi doono mudo sanad gudihiis taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji oo kala ah:
A- Wejiga 1-aad ee dayac tirka dekedii hore: Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo Kontaynarada qaada (3 empty carriers) New Security system taas oo Dekeda lagu qalabeyn doono cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka iyo kamaradaha wax ilaaliya. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo war bixin dhameystiran oo qeexaysa in ay Dekeda gelisay lacagtaa tirada badan ee gaadhaysa $62 million doolar .
B- Wejiga 2-aad ee Balaadhinta Dekeda: Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo dhererkeedu yahay 400m iyo 25 yard oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socday in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan oo dhismihiisu mudo sanad iyo badh ah socday ayeynu markhaati ka aheyn in dhawaan shirkada dhismaha gacanta ku haysa ee “ Shafa Al nada” ay tidhi waxaanu dhamaynay dhismihii Dekeda boqolkiiba 62% waxaana Dekeda la dhameynayaa bisha Sebtember 2020, Halka madaxweynuhu uu qudbadiisii dhawaan ku sheegay in wejigani dhamaaday 43%.
C- Wejiga 3-aad : Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Wejiga 1-aad iyo Wejiga 2-aad, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo boqolkiiba 75% ay markaa hirgelinayaan Wejiga 3-aad, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 3-aad lagu Maalgelinaayo ayaa isna lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay ku balan qaaday Shirkada DPW in ay ku maalgeliso Dekeda Berbera oo dhameyd $442 Million dollar..
DPW waxay Maamulka Dekeda la wareegtay 1/3/2017 -Mudadaa 3-da sanadood ah ee Shirkada DPW Dekeda Berbera maamulaysay waxaa u qabsoomay:
1- Waxay dayac tireen Dekedii hore in kasta oo aan lagu maal gelin lacagtii loo qoondeeyey oo aheyd $62 Million oo Dollar-
4- Waxay sheegeen in ay dhameeyeen wejigii kowaad ee ahaa dayactirka dhismaha Dekedii hore ee Berbera – lacagta ku baxday ma dhan tahay intii loo qoondeeyey?
5- Waxay sheegeen in ay kordhiyeen 50% shixnadaha ka soo dega dekeda Berbera –
6- Waxay sheegeen in ay hirgeliyeen 70% Horumarkii ay ka wadeen Dekeda Berbera.
7- Waxay sheegeen in hada Dekedu ku shaqeyso qalab cusub iyo nidaam cusub oo nabadgelyadiisu sareyso oo 4 shift ah.
8- Waxay sheegeen in tayada dhismaha Dekeda cusub ay kormeeraan shirkad ingiriisi ah si ay Dekedu u noqoto mid tayo leh oo caalami ah .
9- Waxaa yoolka Kontaynarada dekeda ka soo dega gaadhsiiyeen sanadkan ilaa 150 kun oo kontaynar, halka sanadaha soo socdana ay odoroseen 450 kun oo kontaynar.
10 – Waxay odoroseen in Dekeda ay ka dhoofidoonaan sanadkiiba xoolo aad u badan oo gaadhaaya 4 Million oo neef
Maxaa looga fadhiyaa ee laga sugayaa in dawlada UAE iyo Shirkada DPW ka fuliyaan magaalada Berbera: ?
4- In Madaarka Berbera si dhakhso ah loo furo oo aan lala sugin inta Suuqa xorta ah la dhisaayo.
5- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
6- In heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee DPW, Itoobiya iyo JSL ay kala saxeedeen ee ahaa in 30% alaabta itoobiya ay soo marto Berbera la fuliyo
7- In la cayimo waqtiga ay dhamaanayaan Wadada Berbera Corridor iyo Dhismaha suuqa xorta ah ee FREE ZONE
8- In dhalinyarada aqoonta leh ee Somaliland loo ogolaado in ay Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya.
9- In la fuliyo dhamaan mashaariicdii arimaha bulshada ee heshiiska ku jiray lana joojiyo in mashaariicda la gabo-ganbeeyo oo kolba lacag yar cid la siiyo.
10 – In Adeegyada Dekeda iyo Xafiisyadeeda meel laysugu wada keeno lana dhamaystiro qalabeynta Dekedii hore..
Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive Advisor ED BD PA
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London