Faahfaahin: Xamaas oo war cusub ka soo saartay sidii xalay wax u dhaceen

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ay sheegay inay fashiliyeen weerarkii dhinaca dhulka ahaa ee xalay Israa’iil ku soo qaaday marinka Gaza.

War ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidmada Israa’iil ay u dhigeen weeraro dhabo gal ah oo ay diyaariyeen “kooxaha wax iska caabinta ee Falastiin”.

Waxay sheegeen in ay isticmaaleen qoriga loo yaqaano Kornet iyo madaafiicda Yaasiin si ay isaga difaacaan Israa’iil.

Xamaas ayaa sheegatay in qasaare nafeed ay gaarsiiyeen ciidamada Israa’iil oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Dhanka kale Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay 150 goobood oo ay ku sugnaayeen Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker