Dawladda Soomaaliya u jaaabtay xildhibaan Marwo

Kadib doorashadii gudduumiyaha baarlamaanka aduunka ee ka dhacaysay dalka Angola oo hadal hayn ka dhalisay Soomaalida dhexdeeda, waxaa markii u horeysay ka hadlay guddoonka baarlamaaka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ay wax ka ogayd warqad uu soo qoray gudoomiyaha Baarlamaanku, taasoo ku saabsanayd in Soomaaliya ay ka tanaasushay musharaxnimada madaxweynaha baarlamaanka Afrika. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo hoggaaminayay wafdi baarlaamaanka katirsan oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ka dhacday magaalada Luanda ee dalka Angola, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tansaaniya ay ku heshiiyeen, in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania, halka Tansania ay Soomaaliya kala shaqeynayso in ay ku biirto ururka bulshada bariga Afrika, iyo kursi kale oo yaala Qaramada Midoobay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker