Tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo soo idlaaday iyo halka ay Soomaaliya ka gashay

Waxaa goordhow soo dhamaaday Tartankii Madaxwaynaha Baarlamaanka adduunka, oo ka dhacayey dalka Angola, sidan ayeyna natiijadu ahayd.

Tanzania 172

Malawi 61

Sinigal 59

Somalia 11

Tarntanka waxaa ka qayb galaysay xildhibaan Marwo bashiir oo Soomaaliya matalaysay, haseyeeshee Marwo oo bilihii u dambeeyey wadday olole ay ku doonaysay in ay xilkaas qabato ayaa waxaa ku taageeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, balse markii dambe waxaa soo baxay warqad la sheegay in loo qoray baarlamaanka adduunka oo lagu sheegay in ay ka baxday tartanka.

Xil. Marwo waxay u sheegtay BBC in aysan ka bixin tartanka, isla markaana aysan ogayn sababta keentay in warqad tartanka ay uga baxayso la qoro.

Tanzaaniya ayaa noqotay madaxwaynaha baarlamaanka adduunka oo heshay 172, halka Soomaaliya ay tartanka ka gashay meeshaa ugu hoosaysa oo ah 11 dhibcood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker