Nin shaqada looga joojiyay taageero uu Falastiin u muujiyay darteed

Mid ka mid ah darawalada Tareennada dhulka hoostiisa mara ee London ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu ku dhawaaqay ereyo uu ka tagaeerayo taageerayo Falastiin.

Maamulka magaalada u qaabilsan adeegyada gaadiidka, ayaa ku dhawaaqay in baaritaan lagu sameynayo kiiska ninkaan.

Bannaanbax lagu taageerayo Falastiin ayaa Sabtidii lagu qabtay caasimadda Ingiriiska ee Lodon, kaasoo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 100 kun oo qof.

Dhacdadan oo isla maalintaas ka dhacday tareenada dhulka hoostiisa mara laguna faafiyay baraha bulshada, ayaa waxaa la maqlayay darawalka oo ku dhawaaqaya “free, free” isagoo isticmaalaya cod-baahiye ku xiran tareenka.

Qaar ka mid ah rakaabkii gudaha ku jiray ayaa hal ku dhiggaan ku daray erayo kale sida “Falastiin”. “Falastiin xor ah”.

Agaasimaha adeeggada tareennada eeTFL Glynn Barton ayaa sheegay in darawalka lagu helay inuu si khaldan u isticmaalay adeegga codka baahiya ee tareenka dhexdiisa.Barton ayaa intaa ku daray in baaritaan lagu sameyn doono si waafaqsan shuruucda shirkadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker