‘Kama bixi doono dhulkayaga’

Hogaamiyeyaal dhowr ah oo ka kala socda Bariga Dhexe iyo Yurub ayaa isugu tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar shir madaxeed ay uga hadlayaan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka Israel iyo Gaza.

Daqiiqado ka hor waxaan maqalnay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo khudbadiisii ​​furitaanka ka sheegay in Falastiiniyiinta aan lagu qasbi doonin inay ka tagaan dhulkooda.

“Weligay ma aqbali doono in la raro, waxaan ku sugnaan doonaa dhulkeena caqabad kasta oo nagu timaada,” ayuu yiri.

Cabbaas ayaa madax ka ah maamulka Falastiin, kaas oo gacanta ku haya dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, balse aan gacanta ku hayn marinka Gaza ee Xamaas maamusho.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa horey u sheegay in qaxootiga faraha badan ee Falastiiniyiinta ah ee ka cararaya dagaalka ay tahay mid aan la aqbali karin sababtoo ah waxay la mid tahay in Falastiiniyiinta laga saaro dhulkooda.

Kulanka oo loogu magac daray shirweynaha nabadda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah mas’uuliyiin ka socda dalalka Jordan, Qatar, Italy, Spain, EU iyo UK. Laakiin, dalalka muhiimka ah ee ka maqnaa waxaa kamid ah Israel, Mareykanka iyo Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker