Milatariga Israa’iil oo war cusub ka soo saaray weeraro ay ku qaadeen xaruumo Xamaas leedahay

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay burburiyeen maalmihii la soo dhaafay “boqolaal goobood oo ay leeyihiin Xamaas.

Qoraal la soo dhigay barta X, ee ciidamada Difaaca Israa’iil oo hore loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in milatariga Israa’iil ay “sii wadayaan mar walba weerarada Marinka Qasa”.

Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ciidamada Israa’iil ay burburiyeen”goobaha gantaalaha lidka ku ah taangiyada, iyo xaruumo kale oo kooxda Xamaas muhiim u ahaa”.

Warka milatariga ka soo baxay ayaa lagu yiri”in ka badan toban argagixisada ka tirsan ayaan sidoo kale ka takhalusnay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker