Dawladda Malta oo Maxkamadaynaysa Muhaajiriin ay Somaliyi ku Jirto

Valetta (OWN) – Jasiiradda Malta waxaa ka bilowday maxkamadeynta soo galooti ay Soomaali ku jirto oo dhibaato isbuucii hore  ka sameeyay magaalada Ħal Far,

Waxeyna markii ugu horreysay maxkamad kasoo muuqdeen Jimcadii.

Warbaahinta gudaha waxey qireen in soo galootigaan ay ku lug yeesheen rabshado dhacay taasoo keentay iney waxyeelo soo gaadho hanti lagu qiyaasay wax ka badan malaayiin Yuuro.

 

 

“Maxkamadda waxey u baahan tahay iney kala saarto rabshado iyo banaan-bax” ayuu yidhi u doodaha qaxootiga

 

Martin Fenech oo sheegay iney banaan-bax kaliya sameeyeen dadkan Maxkamadda lasoo Taagay.

 

Dacwad oogayaasha kuma raacin arinkaas, waxeyna maxkamadda ka sheegeen ineysan sinaba macquul u aheyn banaan-baxayaasha iney rabshado sameeyaan.

 

 

Waqtiga xukunka lama oga, balse Garsooraha maxkamadda Frendo Dimech wuxuu sheegay iney qiimeyn doonaan hantida burburtay ka hor inta aan xukun lagu ridin,

 

Waxaana lagu miisaami doonaa hantida la baabi’iyay.

 

Xadhiga ugu badan ee  ay soo galootiga ay Soomaalida ku jirtaa  wajahi karaan waa xadhig aAar sano ah,

 

Waxaana la ogyahay in dalka Malta uu yahay Wadanka Labaad ee Qaaradda Yurub ee ay Soo Galaan Muhaajirinntu.

 

 

Muhaajiriinta maxkamadda lasoo taagay waxey dhamaantood kasoo jeedaan qaaradda Afrika waxeyna u kala dhasheen: Gambia, Mali, Guinea, Sudan, Ivory Coast iyo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker