Wasiirka arrimaha dibadda Ireland oo war cusub kasoo saaray xaaladda Qasa

Wasiirka arrimaha doibadda ee Ireland Micheal Martin, ayaa soo saaray bayaan cusub oo ku aadddan xaaladda Qasa, waxyaabihii lagasoo xigtay waa kuwan:

Go’aanka militariga Israa’iil uu ugu sheegayo dhammaan dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga marinka Gaza inay u guuraan dhanka koonfureed si ay ammaankooda u helaan, waa khatar aad u weyn oo aan suurtagal ahayn in la fuliyo.

Waxaan sidoo kale aad uga walaacsanahay sare u kaca dagaalka iyo dhimashada ee Daanta Galbeed, oo ay ku jiraan dhacdooyinka kordhay ee rabshadaha iyo barakicinta bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerar, laakiin tani waa in lagu sameeyaa iyadoo la eegayo xuduudaha sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker