Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil oo la dilay

Ugu yaraan 13 qof oo isugu jira Israa’iilyiin iyo ajnabi oo Xamaas ku heysay Qasa ayaa lagu dilay weeraro xaga cirka ah oo ay soo qaadday Israa’iil afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay, sida ay sheegtay garabka Xamaas.

Dadakaas ayaa la sheegay in lagu dilay shan goobood oo ay bartilmaameedsadeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegeen kooxda al-Qassam ee garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Xamaas ayaa af duubatay ilaa 150 qof markii ay sabtidii weerar ku qaadday Israa’iil, waxayna ka digeen inay dili doonaan hadii ay Israa’iil weerar ku beegsato shacabka reer Falastiin iyagoo aan u digin.

Shalay, Israel waxay ku hanjabtay inay siideyn doonin biyaha iyo korontada ay ka jartay Qasa, ilaa laga soo daynayo dadka u qafaalan Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker