Dagaalyahan kasta oo Xamaas ah waa ‘nin dhintay’ – Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalyahan kasta oo ka tirsan Xamaas uu yahay “nin dhintay,” kaddib shirkii ugu horreeyay ee dowladda cusub ee degdegga ah ee dagaalka dartiis looga aaasaasay dalkaas uu ka jeediyey.

Mr Netanyahu iyo hoggaanka mucaaradka ah ee Benny Gantz – oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada – ayaa sameeyay gole wasiirro dagaal ah Arbacadii, iyaga oo dhinac iska dhigay xafiiltankooda siyaasadeed.

Mr Gantz ayaa sheegay in la joogo “waqti dagaal” dowladda cusub ee la soo dhisayna ay diyaar u tahay “in ay dhulka ka tirtirto waxa loogu yeedho Xamaas”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker