Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxa la gudboon sidda ugu dhakhsaha badan inay Golaha Wakiilada horkeenaan Dood Xilka Gudoomiy-nimo looga qaado Baashe Mohamed Faraax?

Fikrada iyo Aragtida Muwaadinka ee Xorta ah ”

 

Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxa la gudboon  sidda ugu dhakhsaha badan inay Golaha Wakiilada horkeenaan Dood  Xilka Gudoomiy-nimo  looga qaado Baashe Mohamed Faraax?

.

Haddii ay sidda ku dhaqaaqan Xildhibaan Golaha Wakiilada   Wakhtig yare e badeladooda ka hadhay ha , la yimaadaan fir-firconaan ka wanaagsan oo ka qurux badan  tii ehel ka yihiin   habac-sanaantii iyo Xilkisnimo la,aantii   15 sandood  oo Xildhibaan ka soo xaadiraya golah wakiilada inta u raacdo ,  bilaa damiir iyo bila qawl  aan howlah shaqadoodu tahay u gudan sidda ay tahay .

.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee  15 sandood  oo Xildhibaanad  Golaha Wakiilada iyo kuwa guurtidu si wada jir ah u diidan dood amma wareego Madaxwene oo ku waajib ah golayaasha   ansixiyaan  . Run ahaanti diid mada ay Khamistii labbada Golaha sameeyeen  ee isku hortaageen wareegta Madaxweynah waxa aad iyo aad ugu diirsaday  Ummada  in kasto  ay jirto  ra,yi odhannaya  waxa aanu madaxweynuhu wareegtadiisa ku lifaaqin  milxintii iyo dhaameeli loo daadin jiray Xildhibaanad sida soo jireenka hayd , hasa yeeshe yeelkeed wax kasto ahaan jirtay . Mar kale dhinac Madaxdweynuhu waa ku mahad san yahay  inaan milxiska iyo dhaameel daadiskii Xukumadihi hore inuu joojiyey oo  sidda saliimka ah ee sharciga u horgeynaayo Wareegtooyinka wax kasta  oo ay salka ku hayaan Golayaash shraci-dejinta oo  xaq u leh inay ku Xakameeyan Xumadah  inay suure-gal tahay  wadad iyo hababka ay u wajaha-yaan  shaqadooda fulinta  ee Qaranka ugu igman yihiin .

.

Siddo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada waa ku waajib inta yar ee u hadhay  inay Xukumada Muuse  si wanaagsan u biyo-dhiijiyaan iyago soo nooleeyaan  sharciga iyo Shuruucda Golaha Wakiilada ay u horseeden inay noqdaan ma dheleys amma kuwo aaney ku shaqayn oo waxba qababan .

.

Siddo kale waxa la eegan karro ma ah  sharci-darradii  shalay golaha uu kula kacay Baashe mohamed Dhibaato may ahaayeen haddii ay noqon lahayd Golaha Wakiilada oo kaliya ee waxay aheyd kulan labbada gole ba u dhan yihii  markaan laggu laffo-gurayey Arinti ahayd xalada Deg-dega ah ee  ee uu Madaxwenuhu wareegta ku soo saaray in  Gobolka Sanaag degmooyimkiisa waa weyn laggu dabro. Waxa la gudboona Baashe Mohamed faraax   inuu howl gallo  si ka wanagsan oo howl karnimo iyo hogaan ku jirro  balse baal mar si badheedh ah oo ay  ka muuqato Aqoon-la,aan iyo Waayo-arag la,aan.

.

Qof ahaan aad iyo aad ayey ii damaqday arinka Baashe Mohamed Faraax ,  ku dhaqaaqay  . Halkaan uu ku dayacay Kaalinti muhiimka aheyd  ee uu ugu jiro Qaranka .Waxa ka sii xumaanaya kanna sii liidanaya  hadii ay sii eegtaan oo Xildhibaan Golaha Wakiilada unna sii daayaan inuu Aqoon-darrad iyo Waayo-aragga la,aanta uu cadeeyey  Ummadda Iyo Qaranka ba.

 

Rag ka soo bixi karra oo ka Aqoon iyo waayo-aragnimo wacani waa ku jiraan Golaha Wakiilada  waa in kuwaa la siiya  fursad ay inta Golaha Hogaank kiisa  ku gaadhsiyaan inta ka hadhay Dooardhad soo socota ee la filaayo inay Dalka ka hirgasho haddii rabi idmo.

 

.

abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud.

Waa Billahi Towfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker