Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo badbaadiyay Nin Dab Qabsaday xaafada Qudhac dheer ee Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta u gurmaday nin dab qabsaday, kadib markii isaga oo ka shaqaynaya xamaamka gurigiisa Kuna hagaajinayay Baatrool iyo biyo kulul uu dab qabsaday.

Ciidanka Dab-demiska ayaa markii lagu soo wargeliyay gurmad u fidiyay, ciidamada Dab-demiska oo adeegsanaya xirfada iyo qalabka badbaadada waxay soo samatabixiyeen ninkii , iyadoo ay markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista uu keeni karo Batroolku, waxaana dab ka Kicin kara wax kasta oo kul leh, sida Cimilada oo kulul, Biyo kulul iyo dhimbiilaha dabka. Hadaba muwaadin ka feejignow markastaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker