Xaaladda caasimadda gobolka Amxaarada oo deggan kadib dagaallo xoggan oo halkaas ka dhacay

Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inay degentahay xaaladda magaalada Gondar ee caasimadda gobolkaas, kadib dagallo xooggan oo halkaas ku dhex maray ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaas ayaa BBC-da u sheegay, inay si caadi ah ugu soo laabteen adeegyada qaar balse xiisad ayaa weli taagan maadaama ciidanka dowladda ay xaafadaha magaaladaas ka fulinayaan howlgallo.

Ciidamada difaaca qaranka ayaa ku andacoonaya, inay dileen in ka badan 50 qof oo ah xubno ka tirsan maleeshiyada Fano Axadi, xiligaas oo uu dagaal ka socday gobolka.

BBC-da uma suurtagalin inay si madax banaan u xaqiijiso eedeymahaas sababo la xirriira khadka internetka oo ka go’an magaladaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker