Qarax xooggan oo ka dhacay Nagorno-Karabakh iyo boqolaal isbitaalka la dhigay

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyooday halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taala dhulka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Armenia.

Ku dhowaad 300 oo qof ayaa la dhigay isbitaalka, iyadoo tobanaan kamid ah dadkaas ay ku jiraan xaalad aad u daran.

Qaraxan ayaa dhacay kadib markii dowladda Armenia ay sheegtay in 13,350 qof ay u soo talaabeen dalka iyagoo ka yimid Nagorno-Karabakh.

Dhulka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh wuxuu hoy u yahay 120,000 oo qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Armenia. Weli ma cadda waxa sababay qaraxa ka dhacay caasimadda Stepanakert.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker