Wax lagu ogaa inay dumarka isku qurxiyaan oo haatan raggana isticmaalaan

Qalliinka quruxda ee wajiga lagu sameeyo ayaa loogu talagalay inuu qofka noqdo qof soo jiIdasho leh, waxaana markii hore sameyn jiray keliya dadka caanka ah hase yeeshee hadda waxay dabeecad u noqdtay dadka caadiga ah.

Dhaqtar dhanka maqaarka ah oo la yirahdo Kamran Qureshi ayaa sheegaya, in qalliinka noocaan ah uu ku soo batay dalka Pakistan afartii sano ee ugu dambeysay.

Waxa uu sheegay inay hadda xaruntooda soo booqdaan dhammaan dadka kala duwan ee bulshada oo rag iyo dumarba leh.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaase waxay noogu yimaadaan inaan ka daweyno xanuunada ku dhaca maqaarka.

Balse qaar badan oo ka mid ah dadka noo yimaadaa ayaa waxay maraan qalliinada qurxinta wejiga si ay u qurux badnaadaan.

Inta badan dadka ayaa waxay u maleeyaan in qalliinkan ay galaan dumarka oo keliya, hase yeeshee maalmahaan dambe ragga ayaa sidoo kale gala qalliinka la isku qurxiyo. Waxaa ka mid ah raggaas Raza Munir oo maray qalliinkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker