Alle Haw Naxariistee Hal Qof ayaa Ku dhintay shil habeenimadii xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada berbera.

Alle Haw Naxariistee Wiil 25 Jir ah laguna magacaabo Cabdalla Maxamad Jaamac ayaa ku Dhintay shil baabuur duleedka magaalada berbera gaar ahaan tuulada Daray-godle ee degmada Berbera.
Ciidanka Dabdemisku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo biriij ka dhacay ciid badanina fuushay darteed ku kasoo saareen, baadhid ka dib.
Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Berbera ku guuleysteen gaadhiga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi nebedgalyada waddooyinka.
Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker