Qaramada Midoobay oo sheegtay in dowladda Madaxweyne Nicolas Maduro ay mucaaradka caburineyso

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xukuumadda Venezuela ay sare u qaadayso siyaasadaha loogu talagalay in lagu aamusiyo dhammaan mucaaradka.

Warbixin cusub oo ay soo saareen guddi xaqiiqo raadin ah ayaa ku eedaysay maamulka inay si firfircoon u bartilmaameedsanayaan ururada shaqaalaha, suxufiyiinta iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Nicolas Maduro ay adeegsato xeelado ay ka mid yihiin hanjabaad, daba gal iyo caga jugleyn si ay u niyad jabiso qof kasta oo mucaarad ah.

Waxay soo sheegeen kiisas yar oo la xiriira dad xabsiyada loo taxaabay, jirdilka iyo kuwa lagu waayay gudaha Venezuela marka loo eego sanadihii hore.

Dalka waxaa ka dhacaya doorashooyin sanadka soo socda. Howlgalka Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeeyay madaxweyne Nicolas Maduro iyo dowladdiisa in ay ku lug leeyihiin xad-gudubyo waaweyn oo xuquuqda binaaadanka ah iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker