DF Somalia oo ku Kala Qaybsan Cida Soo Xulaysa Saraakiil Ciidan oo Tababar ugu Baxaya Ruushka

Muqdisho (OWN) – Waxaa soo baxaya Dood ku saabsan sida Loo soo Xulayo ciidan ku jira Milateriga Soomaaliya oo Loo qaadayo tababar muhiim ah oo ka dhacaya dalka Debadiisa.

 

Khilaafkan ayaa salka ku hayo in ciidanka Loo soo xulo qaab ku saleysan qabiil iyo in Loo soo xulo nidaam kale oo u degsan ciidanka Qaranka, gaar ahaan Wasaaradda difaaca, balse waxaa diidan Haweeney ka Tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Tababarka ciidankan oo ah mid casri ah  islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan Tiro kooban ayaa la qorsheeyay inuu dhawaan dibadd ka dhaco balse waxaa dib u dhigay Dood Taagneed iyo cudurka Coronavirus, waxayna wararku sheegayaan in Loo qaadi lahaa Turkiga halka warar kalane ay sheegayaa in Loo qaadi lahaa Ruushka oo muddo dheer kadib billaabaya tababarka saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

 

“Haweeneyda Dhanka Ciidamada U Qaabilsan  xafiiska ra’iisul wasaaraha  , ayaa dalbatay in iyadu ay soo xusho halka taliyaha Ciidamda Xoogga Dalka  uu diiday waxayna Arrintu u gudubtay ra’iisal wasaaraha iyo madaxweyanha,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Xarunta taliska Xoogga Dalka Somalia iyo Wasaaradda Gaashaandhiga .

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhamaan La’a khilaaf iyo muran ka dhaxeeya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker