Madaxweynaha Turkiga oo garab istaagay Azerbaijan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoฤan ayaa horey u sheegay in dalkiisa uu garab taagan yahay Azerbaijan tan iyo inta laga xoreynayo gobolka uu dagaalka ka socda ee Nagorno-Karabakh.
Ciidammada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ayaa kal hore ku dagaallamay gobolkaas lagu muransan yahay, maalinkii lixaad.
“Waxay qalbiyadeena la jiraan walaalaheen iyo saaxibadeen Azerbaijan, Turkiga wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Azerbaijan, dagaalka wuu sii socon doonaa tan iyo inta laga xoreynayo dhulka Nagorno-Karabakh”
Erdogan waxaa uu sidoo kale sheegay xilligaas in ciidamada Azerbaijan ay howlgal xooggan ka fuliyeen gobolka isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaano badan.