Farshaxaniiste siray madxaf kadib markii uu lacag badan kaga qaatay sabuurado aan waxba ku sawirnayn

Farshaxaniiste u dhashay dalka Denmark ayaa lagu amray in uu madxafka dib ugu soo celiyo ku dhawaad 500,000 oo lacagta dalkaas ah taas oo u dhiganta $72,000, kadib markii uu keenay laba sabuuradood oo waxba aan ku sawirnayn, waxa uu ugu magac daray mashruuca Qaado Lacagta oo baxso.

Matxafka Kunsten ee Aalborg ayaa ugu talo galay lacagtan, in Jens Haaning uu ku dhejiyo waraaqaha lacagta laba qaybood oo farshaxan ah sanadkii 2021.

Taas baddalkedana, uu keenay sabuurado maran, ka dibna wuxuu yiri: “Shaqada waa in aan lacagtoodii qaatay.”

Maxkamad ayaa hadda ku amartay inuu soo celiyo lacagtaas caddaanka ahayd – balse qaar uu ula haro qarashaadkii ka baxay.

Mashruuca farshaxanka waxaa loogu talagalay in uu noqdo warbixin ku saabsan mushaharka dalalka Danmark iyo Austria.

Matxafku waxa uu ka codsaday farshaxaniistaha in uu u soo celiyo dhammaan lacagta, oo ahayd ku dhawaad 534,000 oo krone oo u dhiganta $72,000 – laaakiin dhagaha ayuu ka furaystay .

Hadda, dagaal dheer oo dhanka sharciga ah kadib, maxkamadda Kobanheegan ayaa Isniintii amar ku siisay Mr Haaning, oo 58 jir ah, inuu u soo celiyo madxafka 492,549 krone.

Tiradaas, ayaa la sheegay, in ay u dhiganto lacagta uu madxafku siiyey oo laga jaray kharashka mushaharkii uu ka qaadan alahaa shaqada.

Maamulaha madxafka Lasse Andersson ayaa sheegay in uu aad ugu qoslay markii ugu horaysay ee uu arkay labada sabuuradood oo aan waxba ku sawirnayn, balse uu go’aansaday inuu soo bandhigo shaqada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker