Dal dadkiisu wada gaboobeyn iyo sababta arrintaa keentay

Markii ugu horreysay abid, in ka badan hal 10-kii qof ee dalka Japan ku nool ayaa hadda da’doodu tahay 80 ama ka weyn.Xogta qaranku waxa kale oo ay muujinaysaa 29.1% 125 milyan oo qof in ay da’doodu tahay 65 jir ama ay ka weynyihiin.

Japan waa mid ka mid dalalka heerarka dhalmada ugu hooseeya adduunka.Waxay leedahay Japan heer ah in dalkeeda ay ku noolyihiin dadka ugu da’da weyn adduunka sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.

Tiradaan la shaaciyay ayaa ah 24.5% Talyaaniga iyo Finland, ayaa iyagun ku soo xiga oo ah 23.6%, iyagoo ku kala jira kaalimaha labaad iyo saddexaad.

Japan, kuwa da’doodu ka weyn tahay 65 ayaa la filayaa in ay noqdaan 34.8% dadweynaha dalkaasi marka la gaaro sanadka 2040-ka, sida uu qabo Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Dadweynaha iyo Amniga Bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker