Tahriibayaal badda ku geeriyooday kadib markii lagu qasbay in ka boodaan doontii ay la socdeen

Afar muhaajiriin ah oo u dhashay dalka Morooko ayaa ku dhintay xeebta koonfureed ee Cadiz ee Spain iyadoo afar kale oo xaaladoodu liidato loo qaaday isbitaalka.

Meydadka 4-ta qof ee sida muuqata qarqamay badda ayaa Arbacadii laga helay meel u dhow doontii ay saarnaayeen oo ay la socdeen 32 kale oo tahriibayaal ah.

27 ka mid ah dadkii saarnaa ayaa la sheegay in shaqaalihii saarnaa ay ku qasbeen in ay badda ka boodaan, waxaana la badbaadiyay 23 ruux oo nool.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadan.

Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in ay ka argagaxeen warka ku saabsan dhimashada tahriibayaasha u dhashay dalka Morooko.

Spain waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan muhaajiriinta ka tagaya Waqooyiga Afrika ee doonaya in tagaan Yurub, iyadoo tobanaan kun oo qof ay halkaa gaareen sanadkii la soo dhaafay oo kaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker