Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Xukuumad Labada Garab Midig Iyo Bidix Kulmisay (Qaybtii 27aad) By:Maxamed Xoosh
Majirto Xukuumad Dunida Ka Jirta Oo Aan Dhabarka Ku Hayn Fikir Falsafad-Siyaasi ah Leh Talow Somaliland Xagay Kaga Jirtaa ?
Xukuumada Imika Jirtaa Waxay Ku Adagtahay Wixii La Soo Dhisay Oo Dhan Siiba 27 Sano Ee u Danbeeyay iyo Wadadii La Qaady Inaad Dib Loo Raad Gurin …… Wixii Qaloocana La Saxo Waa Garab Midig Oo Muxaafid Ah
Xaga Kale Xukuumada Rayidka ah Ee La Doortay Waxay Carabka Ku Adkaysay In La Helo CADAALAD BULSHADA DHEXDEEDA AH Ama In Cashuurta Iyo Wixii lagu Lahaa Hantiilayaasha Aanay Dib Ugu Lumin Iyo In La Diwaan Geliyo Dhamaan Hantida Dawladu Leedahay Halkaasina Waa Garab Bidix Oo Muxaafid ah
Jamhuuriyada Somaliland Waa Dawlad Dastuurkeedu Waafaqsan Yahay Shariicada Islaamka Sidoo Kale Wuxuu Qeexayaa Xuriyaat Balaadhan u Ogol Yahay Muwaadinka Hadii Si Wanaagsan Loogu Dhaqmo.
Dhibtu Waxay Ka Imanaysaa Xagjirtka Labada Garab
1-Mar Muwaadinkii Baahnaa Ee Dakhligiisu Hooseeyay Ayaa Lagu Joogsanayaa Hadii uu Bixin Waayo Cashuurtii Dawlada !
2-Marna Muwaadinka Dakhligiisu Sareeyo Ee Dharagsan Ayaa Laga Dhaafayaa Cashuur iyo Wax Walba!
Waxaa Suurtagali Kara In Muwaadinka Baahan La Ilaaliyo Noloshiisana Kor Loo Qaado, Muwaadinka Ladanna Wixii Lagu Lahaa Laga Qaado Taageero Lala Garab Taagnaado Si Loo Helo Somaliland Isceshata Oo Buuxda.
Madaxweynahu Wuxuu Ku Tilmaamay Markaynu Sidaynu u Noolnahay La Eego MAXAA SUURTA GAL AH ?