Dowlad waddooyinka xirtay si madaxweynahooda dhalashadiisa ugu dabaaldego

Ciidamada Taraafikada ee magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, ayaa xiray dhowr waddo oo ku yaalla magaalada si ay ugu fududaato dhaq-dhaqaaqa VIP-da kusii jeeda ama ka soo noqday xaflada dhalashada 79-aad ee Madaxweyne Yoweri Museveni maanta Jimcaha.

Dabaaldegga dhalashada ayaa lagu qiyaasay in 100,000 oo qof oo marti ah ay ka soo qeyb gali doonaan, kuwaasoo ay ku jiraan dad Ugandees ah oo ka yimid caasimadda iyo gobollada kale ee dalkaas.

Taliyaha Booliska Taraafikada ee Magaalada Kampala, Kormeeraha Sare Godwin Arinaitwe, ayaa sheegay Khamiista in ka soo qeyb galayaasha aan awoodin in ay adeegsadaan waddooyinka xiran ay gawaaridooda dhigan karaan barxadaha baarkinka ee loogu talagalay Kampala, inta ka hartayna ay lugeynayaan masaafada goobta ay ka dhacayso xaflada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker