Soomaaliya: Khasaaraha ka dhashay Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Al-Shabaab
Muqdisho (OWN)- Dagaal xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka oo leysku adeegsaday hub culus uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalanka waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalka 53 Askari, laakiin ma jiraan ilo madax-bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.