Dowladdii Sweden oo La Riday Markii Xukuumadda Ay Waayeen codka kalsoonida

Dowladdii Sweden, ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisal wasaarihii ugu horreeyay dalkaas ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

Mooshinka codka kalsoonida, ayaa lagu ansixiyay iyada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaadhaya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

Mooshinka, ayaa waxaa Khamiistii diwaan geliyay xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayay dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashkato uga muujiyo mashruuca ay dowladdu ku khafiifinayso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeedheen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats, ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

Lofven waa ra’iisal wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

Xasaraddan, ayaa waxaa dhaliyay mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay iyaga goyn karaan qiimaha kirada.

Qorshahan, ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

Lofven, ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaadho inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay u soo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker