Guri ku Gubtay Hargeysa
Guri Daara oo ka kooban Afar Qol ayaa Ciidamada Dabdemiska Hargeysa damiyeen, gurigaasi oo ku yaalaa degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan agagaarka Masjid Salaam.
Dabka oo wada haysta guriga ayaa ciidanka Dabdemisku gaadhay gurigaa, waxaana ciidanku damiyeen dabkaa, kana hakiyeen guryihii kale.
Dhankooda Ciidanka Booliska Koodbuur ayaa kala hawlgalay ciidanka Dabdemiska.
Fadlan muwaadin Hadii aad aragto dab soo wac 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadood.




