Wiil Aaabihii ku diley Magaalada Muqdisho iyo goob joogayaal ka Hadlay arintaasi

Dhacdo murugo leh ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihii ku dilay Mindi ama Toorey uu kaga dhuftay dhanka wadnaha.

Marxuumka oo qiyaastii 60 jir ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Garboojo, wuxuuna caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir oo uu ka shaqeysan jiray.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay oo isna 20 jir ah uu goobta iskaga baxsaday, kadib falkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cismaan Garboojo.

Mid ka mid ah raggii ay isla shaqeyn jiray Aabaha la dilay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in cisbitaalka loo qaaday, kadibna uu geeriyooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker