Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Bixiyey Lacagtii Iyo Dhulkii Laga Dhisayay MCH-ka DAAMI
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa dhulkii iyo lacagtii lagu dhisi lahaa xannaanadaas ku wareejiyay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.
Dhulkii laga dhisi lahaa xannaanadaas iyo lacagtii ku bixi lahayd ayaa lagu wareejiyay dawlada hoose ee Hargeysa, iyadoo inta badan lacagta lagu dhisaayo xannaanadaas ayaa ah mid ay dhawaan xildhibaan Barkhad ugu deeqday Xaliimo Biritish oo sheegtay inay ka xumaatay balan qaad lacageed oo ay ka baxday ama ay la noqotay wasiir Qadiija Diiriye oo ka tirsan dawlada fadaraalka ah ee Soomaaliya oo hore xildhibaanka ugu ballan qaada 20 kun oo doollar.
Xannaanadan ayaa marka ay dhamaato loo bixin doonaa Maamo Xaliimo Biritish, haweenayda loogu magac daray ah tii bixisay qayb lacagtaas ka mid ah.




