Somaliland: Hay’ad Caalami ah oo Hargeysa ka bilowday Qorsheyaal Dhegaraysan, Dokumentiyo ay Qaybisay iyo Fal-celinta ka dhalatay
Hargeysa (OWN)- Magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa dhawaan laga soo qaban-qaabiyey kulan ay daadihinayso isla markaana masuuliyaddiisa leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka ee IOM oo ka mid ah hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, ayaa tababar ay soo agaasintay oo lagu sheegay (Somalia joint Initiative Returnees) Oo Macnaheedu yahay ‘Somalia oo si wadajir ah dib loogu soo celinayo’, waxay kusoo bandhigtay documentiyo cadayna in khariirada Somaliland iyo Somalia ay yihiin hal dal oo kaliya islamarkaana aaney jirin habayaraatee xuduud iyo meel u dhaxaysa oo kala qaybsi labada dal, waxaana sidoo kale aan hal meel lagu arkin bushqadaha waraaqaha ah ee ay bulshada u qaybiyeen meel ay kusoo qaadeen ama ay kagaga qoran tahay Jamhuuriyada Somaliland.
Tababarkan oo ay ugu talogaleen inay ku ku qabtaan gudaha caasimada hargeisa oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne tiro badan ayaa hal mar ka biyo diiday qorshahan dhegaraysan ee ay waday hay’ada Iom, taas oo amakaag ku noqotay shacabkii ku sugnaa madasha hotelka maansoor iyo xubno ka socoday Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Somaliland, waxaana intaasi kadib qaar kamida dadweynaha reer Somaliland ee loo qaybiyey documentiyada oo arrintaasi aad u cadho galisay ayaa suxufiyiin usoo bandhigeen sida wax u dhaceen iyo waraaqaha loo qaybiyey.
Documentiyadaasi oo Cadeynaya in habayaraatee aaney jirin qoraalka meel lagaga sheegay Somaliland iyo khariiradii dalka jamhuuriyada Somaliland oo lagu daray Somalia.
SI AAD U AKHRISATO WARBIXINTAN OO FAAHFAAHSAN, GUJI SAWIRKA HOOSE OO KU HAGAYA IL-WAREEDKA AANU KA SOO XIGANNAY
OodweyneNews.com
webmaster@oodweynenews.com





