Andrew Tate oo xabsi gurigii laga sii daayay inta la sugayo go’aanka maxkamadda

Andrew iyo walaakii Tristan waxaa la xiray bishii Maarso, waxaana dacwad lagu soo oogay bishii Juun iyago beeniyay inay wax dambi ah galeen.

Labadooda ayaa si xor ah u dhex joogay magaalada caasimadda ee Bucharest iyo deegaanka Ilfov halkaasi oo ay deggan yihiin.

Waa in ay booliska la socodsiiyaan marka loo baahdo oo ay u sheegeen hadii deegaankooda isbeddello ama meel kale u guuraan.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay in ay la xiriiraan labo qof oo kale oo Romania u dhashay oo iyana la soo eedeeyay, marqaatiga, dhibanayasha ama qoysaskooda.

Hadii ay qeynuunadan jabiyaan waxay keeneysaa in ay ku laabtan xabsi guriga ama xari degdeg ah.

Garsoore ayaa hubin doona in ay u hoggaansameen shuruudaha lixdanka maalmood ee soo socda.

“Waxaan u mahadcelineyaa garsoorka Romania tixgelintooda cadaaladda” ayuu yiri afhayeen u hadlay walaalaha kaddib xukunka.

“Natiijada fiican waxay na gelisay kalsooni ah in wax wanaagsan ay soo baxayaan” ayuu sidoo kale yiri.

Walaalaha ayaa markii ugu horeysay xabsiga laga sii dayay Desember kaddibna la geliyay xabsi guri saddax bilood kaddib.

Eedaha loo haysto waxay sheegayaan iyaga iyo labo dumar ah oo la jiray una dhashay Romania in ay sameeyeen koox burcad abaabulan sanadki 2021kii kuwaas oo ka macaashayay dadka Romania iyo sidoo kale dalal kale oo ay jiraan mareykanka iyo UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker