Xukunka dilka ah ee gabadha aflagaadeysay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH

Gabadhan ardayada ah ayaa la xiray toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH.

Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil racfaan ah.

Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka.

Sida uu dhigayo sharcigii hore, dadka ku jees jeesa ama aflagaadeeyay Islaamka, lama siin doono ciqaab dil ah haddii ay qirtaan oo ay toobad keenaan.

Balse 30-kii sano ee la soo dhaafay, ma jirto cid dil lagu xukumay oo isla dambigaas lagu helay.

Ardayaddan oo lagu eedeeyay inuu Nabi Muxamed aflagaadeeyay ayaa 10 maalmood ka hor ay ciidamada sharcigu ku xireen magaalo lagu magacaabo Atar oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee dalka Mauritania.

Kadib markii la xiray ardayadda, qoyskeeda, ayaa qoraal ay u qoray wargeys, waxay ku sheegeen in gabadhooda ay haysato dhibaato dhanka maskaxda ah, waxayna codsadeen in loo naxariisto.

Xariga ardayga ayaa lagu dhawaaqay kadib markii maamulka diinta ee Mauritania ay go’aamiyeen in dadka aflagaadeeya Nebi Muxamed ay mudan yihiin in dil lagu xukumo.

Culumada Islaamka ee dalka Mauritania ayaa todobaadkii hore meel mariyay qaraarka diini ah kadib markii madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Ghazouni uu ka codsaday hogaamiyayaasha caqiidada inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan kuwa aflagaadeynaya diinta Islaamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker