Shan dal oo Yurub ah oo diidan, in dalkooda la keeno wax soo saarka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ugu baaqay dalalka Midawga Yurub inay hubiyaan inaan wakhtiga loo kordhin waxa uu ugu yeedhay mamnuucidda “aan la aqbali karin” ee ay shan dal oo Yurub ahi ku soo rogeen in sareenka Ukraine loo dhoofiyo dalalkooda, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay mid aan ka tarjumaynin mabaadi’da Yurub.

Shan dal oo ku yaalla badhtamaha Yurub ayaa doonaya in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska mamnuucaya soo dejinta sareenka Ukraine, kaas oo haatan wakhtigiisu ku egyahay bisha September 15-keeda, hase ahatee waxay rabaan in la gaadhsiiyo illaa dhammaadka sannadka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in tallaabo kasta oo wakhtiga loogu kordhiyo mamnuucidda lagu soo rogay sarreenka Ukraine, inay tahay mid aan la qaadan karin. Isaga oo sheegay in dalkiisu uu kala shaqaynayo cid walba, sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka jira.

Midawga Yurub ayaa bishii May ogolaaday in dalalka Bulgaria, Hungary, Poland, Romania iyo Slovakia, inay mamnuuci karaan in sareenka, gallayda, iyo dalaga kale ee beeraha ee ka soo go’a Ukraine, inaan lagu iibin karin gudaha dalkaas, hase ahaatee ay ruqsad u siiyaan in dalalkooda ay dhex mari karaan, si loogu iibgeeyo suuqyada kale ee Yurub ama caalamka.

Dalalkan ayaa qaarkood waxay si weyn uga taageeraan Ukraine, sidii ay isaga caabbin lahayd dagaalka ay kula jirto Ruushka, hase ahaatee waxay ku doodayaan, in haddii ay ogolaadaan sareenka iyo wax soo saarka kale ee beeraha ee Ukraine, inay dhaawac u geysan doonto beeralaydooda.

Poland ayaa sheegay inay qaadi doonin mamnuucidda ay soo rogtay, xataa marka la gaadho bisha September, ama xataa haddii Midawga Yurub uu isku raaci waayo in wakhtigaas la kordhiyo.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker