Erdogan oo ku hanjabay inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkiga Gudihiisa
Ankara (OWN) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku Hanjabay inuu Albaabada u Laabi doono laba Saldhig oo militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku Hanjabtay iney Cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sababo la Xidhiidha hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka.
“Haddii loo baahdo, waan Xidhaynaa Incirlik, waanna xidhi karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay Telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya.
Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xidho labadan Saldhig.
Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga ka
le ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO.
Dowadda Turkey ayaa Jimcihii la soo dhaafay u yeedhay Safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo Xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Oo ay Reer Galbeedku dabada ka Riixayaan isla markaan Ay Rabaan inay Masuuliyada Xasuuqaa Dusha U saaraan Turkeyga