Dalka Muslimka ah ee Kylian Mbappe 259 milyan ee doollar usoo bandhigay

Kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal ayaa ogolaansho u haysata inay la hadasho Kylian Mbappe ka dib markii ay dalab rikoor ah oo 259 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka Paris St-Germain.

24-sano jirkaan kabtanka u ah xulka France, ayaa qandaraaskiisa sanad ka harsan yahay, wuxuu diiday inuu u saxiixo heshiis kordhinta kooxda heysata horyaalka Faransiiska, mana loo soo xulin safarka ay ku aadayaan xilli ciyaareedka cusub ee Japan.

PSG ayaa doonaysa in ay hadda iibiso Mbappe halkii u si bilaash ah uga tagi lahaa xagaaga dambe.

Neymar ayaa 200 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray PSG 2017, kan ayaa ah rikoorka hadda jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker