Weriyaha HORYAAL TV Ee Ceerigaabo Oo Mar Labaad Laxidhay
Ceerigaabo(OWN) Mar labaad Subaxnimadii saaka boliiska Ceerigaabo dib u xidhay Weriyaha Telifishanka Horyaal uga soo warama magaaladaaasi Jaabbir Sicid Ducaale.
Weriyahan ayaa dhawr maalmood uun kahor dammaanad kaga baxay xafiiska denbi baadhidta ee magaalada Ceerigaabo, kaddibna waxana saaka marlabaad in lasoo xidho weriyahan amar kubixiyey Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin. Iyadoo sababta mar labaad loo xidhay maanta ay laxidhiidho xadhiggiisii hore ee dammiinka uu kaga baxay oo amarkan badhasaabu meesha kasaaray.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo