Geele Iyo Biixi Oo Ka Wada Hadlay Mustaqbalka Gobolka Awdal + Shacbiga Gobolka Awdal oo Noqday kuwo lagu dulshaxayo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa looga yeedhay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si looga dhaadhiciyo in uu ogolaado dhismaha waddo isku xidha magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti oo dhex mari doonta gobolka Awdal.

 

Wadadan oo uu fikirkeeda lahaa Wasiirka maaliyadda Soomaliya Dr Bayle, ayaa laga dhagax dhigay dhanka Jabuuti, waxaase si wayn uga soo hor jeestay Dawladda  Somaliland.

 

Jidkan oo uu  Maal galinayo baanka horumarinta Afrika ayaa qorshihiisu ahaa in uu maro xadka ku teedsan Somaliland  iyo Itoobiya oo ah wadada Degmada Xariirad, waxaana qorshahaa ka gows adaygay madaxweynaha Jabuuti oo soo jeediyey in la mariyo jidka degamada Geerisa.

 

Jidkan ayaa ujeedadiisu yahay in uu qayb ka qaato dhoofinta xoolaha nool ee dalka Itoobiya iyo fududaynta jidka mashquulka badan ee isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, iyo kan Berbera Coordinator, iyadda oo kharash badana ku kaco alaabta ka soo dagta Jabuuti ee la gaynaayo koofurta iyo Galbeedka Itoobiya.

Xukuumada Somaliland ayaa u aragta in ay gacantooda ka baxayso ganacsigii kaliga ku ahaa magaalooyinka Berbera, Wajaale iyo Burco oo ah suuqa ugu wayn ee xoolaha Itoobiya lagu kala iibsado, iyadda oo hadda ay noqonayso Geerisi Suuq Labaad ee lagu iibiyo xoolaha Itoobiya, loogana dhoofiyo Jabuuti.

 

Heshiisyadan iyo talada wadadan ayaa waxaan ka dhex muuqan shacabka daga gobolka Awdal, haddana kuma jiraan shirarka ka socda Jabuuti, marka laga reebo Wasiir Bayle iyo Isku Duwihii hore ee wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh oo xilkiisa ku waayo telefoon uu kula hadaly Wasiir Bayle iyo qaban qaabo dhagax dhig uu waday.

 

Warar horudhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in Muuse Biixi ogolaaday in jidkan la dhiso isagaa oo shuruudo dhinaca dhoofinta adhiga ahna soo bandhigay, magaalada Geerisa ayaa qorshuhu yahay in laga dhiso xarumo lagu baadho caafimaadka xoolaha iyo goobo lagu nasiyo adhiga muddada ay sugayaan dhoofinta.

 

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker